Wararka naga soo gaaraya magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya, ayaa sheegaya in maanta oo Khamiis ah la filaayo in lagu dhawaaqo xubnaha cusub ee wasiirada Soomaaliya, oo maalmahan siweyn looga hadal hayay magaalada.
Raysal Wasaare Cabdiweli Sheekh Axmed, ayaa maalmahan kulamo la yeelanayay odayaal iyo siyaasiyiin kuwaasoo uu kala tashanaayay xukuumada uu soo dhisaayo.
Warku waxa kaloo uu lee yahay waxaa laga yaabaa in ay soo laabtaan xubno ka mid ah wasiiradii horre Xukuumadii ee Saacid.
Dad weynaha magaalada Muqdisho ayaa aad u hadalhaya soo magacaabista xubnaha cusub ee wasiirada, waxaana ay lee yihiin maxaa ku dhagan ra’iisal wasaaraha oo ilaa hadda uusan u magacaabi la’yahay.
Lama hubo tirada wasiirada cusub balse waxaa hubaal ah in ay ka badnaan doonaan 10-kii wasiir ee xukuumadii horre.
Midnimo