Golaha Wasiirada oo la sheegay in 20-Wasiir laga dhigayo, kadib markii la isku raaci waayay 25 Wasiir

0
895

XasanSheekhOoFureyVillaHargeysa20140109_8Warar lagu kalsoonaan karo oo ay heshay Jowhar.com ayaa sheegaya in madaxda dowladda Soomaaliya ay isku raaceen in Golaha Wasiirada laga dhigo 20-Wasiiro oo ay beeluhu u kala qeybsan doonaan min afar Wasiir, iyadoo uu fashilmay qorshihii markii hore uu ahaa in Wasiirada laga dhigo 25.

Cadaadis iyo culeysyo fara badan oo ka imaanaya Xildhibaanada Baarlamaanka iyo beelaha qaar ayaa keentay in laga noqdo go’aankii hore ee ahaa in Golaha Wasiirada laga dhigo 25-Wasiir.

Wararka ayaa sheegaya in is bedelka ku yimid Tirada wasiirada ay noqotay mid had iyo hor leh in wax badan laga bedelo sidii awal qorshihii ahaa, gaar ahaan Wasaaradaha sida loo qeybsaday iyo xubnihii la hadal hayay ee boosaska Wasiirada loo qoondeeyay.

Ilo wareed muhiim ah ayaa u xaqiijiyay Jowhar.com in saddexda Mas’uul ee ugu sareysa dowladda ay markii hore ay aad u kala aragti duwanaayeen tirada Wasiirada ee 25-ka ahaa iyo habka lagu qeybsanayay, waxaana aad loo diidanaa in beel kaliya ay sad badsato oo ay hesho lix wasiir.

Wariyaha Jowhar.com ee Muqdisho ayaa soo sheegaya in is bedelkan cusub uu meesha ka saari doono mid ka mid ah beelaha oo heli laheyd labo wasiir, kadib markii aad loo diiday, isla markaana laga hor yimid in mid ka mid ah shanta beelood hal wasiir laga qaato oo beel kale loogu daro.

Wararka ayaa intaa ku daraya in hada ay socoto xulis cusub, waxaana jirta in Baarlamaanka laga codsaday inuu waqti ugu daro soo magacaabista Golaha Wasiirada oo aheyd in Baarlamaanka la horkeeno ka hor 10-ka bisha Janaayo oo maanta ku beegan.

Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya ayaa galay xaalad mashquul ah, tan iyo markii uu Baarlamaanka ansixiyay 21-kii bishii hore ee December, isagoo cadaadis iyo culeys badan la kulmayay oo ku aadan soo xulista Golaha Wasiirada.

Dooda ugu adag ama is qab qabsiga uga xoogan ee beelaha ka imaanayay ayaa ahaa sida loo qeybiyay Wasiirada ugu miisaanka cuslaa , Wasaaradaha ugu nacfiga badan sida Gaashaandhiga, Arrimaha Gudaha, Maaliyada iyo Arrimaha Dibada oo la sheegay in beel ka mid ah afarta beel ee ugu waa weyn laga qadiyay afartaas wasaaradood midkood, taasoo keentay muran iyo qeylo dhaan xoogan.

Madaxda dowladda ayaa rajeynaya in todobaad gudahood ku dhameeyaan magacaabista Golaha wasiirada oo ay muuqato in waqti hor leh ay qaadaneyso oo ka duwan tii juhdiga badan loo geliyay, waxaana la sheegay in hada iyo kow ay bilaabatay in la kala xulo shaqsiyaadka Wasaaradaha loo magacaabayo.

Jowhar