Guddoomiye Tarsan oo Markale ku baaqay in Wasiirada Cusub ay shacabka la dagaan

0
1076

Tarsan20130819_1Maxamuud Axmed Nuur Tarsan Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna duqa Magaalada Muqdisho ayaa waxa uu sheegay in Wasiirada cusub ee Xukuumadda federaalka Soomaaliya looga baahan yahay in ay kabaxaan xeyndaabka Madaxtooyada Wasiir walibaana laga rabo in uu dago mid kamid ah dagmooyinka Gobolka Banaadir si loo hormariyo Ammaanka dagmooyinka Gobolka Banaadir isagoo sheegay in Wasiirada dagaya degmooyinka Gobolka Banaadir ammaankiisa si wayn loo adkayn doono islamarkaana uu Maamulka gobolka Banadir iyo shacabka Muqdishaba ay siin doonaan shahaado sharaf sida uu hadalka u dhigay gudoomiyaha gobolka Banaadir Tarsan.

Dhanka kale Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ayaa ku baaqay in lahor mariyo nidaamka fediraaliisimka waxaana uu tilmaamay in lagama maarmaan ay tahay dar dar galinta amni ku soo dabaalida Magaalada Caasimada ah ee Muqdisho.

Hadalka Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Maxamuud Axmed Nuur tarsan ayaa imaanaya iyadoo inta badan Golaha wasiirada Xukuumadda Ra’iisal wasaare C/wali Sheekh Axmed ay xilalkooda lawareegeen loogana fadhiyo in ay layimaadaan wax qabad dhab ah.

Shabelle