Gudoomiyaha Gobolka Banaadir Maxamuud Axmed Tarsan oo shalay ka hadlayay banaan bax lagu taageerayay mashaariicda hey’adaha Turkiga ka wadaan magaalada Muqdisho iyo waxqabadkooda ayaa ugu baaqay shacabka inay ilaaliyaan ammaanka shaqaalaha Turkiga.
Mr Tarsan ayaa sheegay in dadka Soomaaliyeed ay muhiim tahay inay kala gartaan kuwa wanaaga u haya iyo kuwa siraya, isagoo sheegay in Turkiga ay yihiin dad u soo gurmaday ee mashaariicda fara badan hirgeliyay.
“Waxaa ugu baaqayaa shacabka Soomaaliyeed inay ilaaliyaan walaalaha Turkiga, ha kala garteen kuwa wanaaga u haya, kuwa abaalka u haya iyo kuwa siraya, waa inaad ammaankooda ka qeyb qaadataan, hadaad shacab tahay iyo hadaad askari tahay”ayuu yiri Gudoomiye Tarsan.
Gudoomiyaha Gobolka Banaadir ayaa ugu mahad celiyay dowladda Turkiga waxqabadkooda ku aadan horumarinta Muqdisho, isagoo xusay inay dhiseen Iskuulo, isbitaalo iyo wadooyin, waxaana uu sheegay in aanay jiri hal hey’ad oo sameysay wixii Turkiga ka qabtay Soomaaliya labadii sano ee u dambeeyay.
Tan iyo markii Ra’iisul Wasaaraha Turkiga uu Muqdisho markii u horeysay yimid 19-kii Agosto ee sanadkii 2011, waxaa Soomaaliya u furmay albaab cusub oo taageero ballaaran ah oo ka duwan taageeradii dowladaha caalamka iyo hey’adaha sama falka, iyadoo Turkiga yahay dalka kaliya ee taageerada ballaaran siiyay shacabka Soomaaliyeed marka ay noqoto sama fal iyo horumarinta adeegyada bulshada aas aasiga u ah.
Jowhar