Gudoonka Baarlamaanka oo Maanta Muqdisho Ku Qaabilay Safiirrada UK iyo Sweden U Fadhiya magaalada Muqdisho

0
1072

Gudoonka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa maanta magaalada Muqdisho ku qaabilay safiirrada dowladaha Britain iyo Sweden u fadhiya magaalada Muqdisho ayadoo Gudoonkana uu kala hadlay safiirrada sidii ay dowladahooda kaalin ugu yeelan lahaayeen hirgelinta qorshayaasha Golaha Shacabka ee sanadkan 2014.

Kulammadan oo ahaa kuwo gaar gaar ah ayaa ka dhacay Xafiisyada cusub ee Gudoonka Baarlamaanka oo ku yaala xarunta Villa Hargeysa waxaana wadajir safiirradan u qaabilay Gudoomiyaha Golaha Shacabka Mudane Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari iyo Gudoomiye ku xigeenka Koobaad ee Baarlamaanka Mudane Jeeylaani Nuur Iikar,kulankii ugu horeeyeyna waxa ay la qaateen Safiirka Dowladda Sweden u fadhiya magaalada Muqdisho Danjire Mikael Lindvall ayadoo kulanka labaadna ay Gudoonku la yeesheen Safiirka Britain ee Soomaaliya Danjire Neil Wigan.

Gudoomiyaha Baarlmaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari oo kulammadaasi markii ay soo gebageboobeen kadib la hadlay Warbaahinta ayaa tilmaamay in Saakay uu Gudoonka Baarlamaanka qaabilay Safiirrada Dowladdaha Sweden iyo Britain u qaabilsan Soomaaliya islamarkaana ay kala hadleen sidii ay dowladahooda kaalin mug leh ugu yeelan lahaayeen hirgelinta qorshayaasha Baarlamaanka gaar ahaanna sanadkan 2014 oo ah sanadka howlaha ugu badan laga doonayo iney qabtaan Baarlamaanka.

Gudoomiyaha Golaha Shacabka Mudane Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari ayaa dhanka kale tilmaamay in ka sokoow howlaha Baarlamaanka ay safiirradan kala hadleen sidii ay kaalin muuqata ugu yeelan lahaayeen howlaha hormarrada iyo dib u dhiska ah ee ay Shacabka Soomaaliyeed hada wadaan, sidoo kalena waxa uu Gudoomiyaha Baarlamaanka xusay in Safiirradan ay muujiyeen sida xiligan ay uga duwanyihiin ballan qaadyada caalamka ee Soomaaliya kuwii horey loogu sameyn jirey maadaama ay hada Dowladda Soomaaliya dejisay qorshayaal cad.

Safiirradan ayaanay aheyn Danjirayaashii ugu horeeyey ee dalalka Caalamka u fadhiya magaalada Muqdisho ee Gudoonka Baarlamaanka uu qaabillo balse Danjireyaashan waxa ay noqonayaan safiirradii ugu horeeyey ee ay Gudoonka Baarlamaanka ku qaabilaan xafiisyada Gudoonka iyo Guddiyada Golaha Shacabka ee ku yaala xarunta Villa Hargeysa oo dhowaan Xarigga laga jaray.

JawaariAndUKAndSwedenAmb20140116_3 JawaariAndUKAndSwedenAmb20140116_2 JawaariAndUKAndSwedenAmb20140116_1 JawaariAndUKAndSwedenAmb20140116_4