Hambalyo Madaxwaynaha la doortay ee Puntland Cbdiweli Maxamed Cali Gaas

0
847

Cabdiweli20140108Annagoo ku hadlayna qurbajoogta Puntland (PDF) waxaan hambalyo u diraynaa Cabdiwali Maxamed Cali oo loo doortay xilka madaxweynaha Puntland shanta sano ee soo socota. Waxa ay ahayd maalin taariikh ah sida nabadda ah oo maamulka Puntland isu beddelay iyada oo loo maray nidaamka dimoqoraadiyadda doorasho oo caddaalad ku dhisan waana arrin ay caalamka oo idil soo dhaweeyeen.

Waxaa lama illaawaan ah Madaxwaynihii hore Mudane Cabdirahman Maxamed Maxamuud Faroole oo si xushmadi ku jirto u aqbalay in lagaga guulaystay tiro hal dheeri ah.

Ururka Qurba Joogat Puntland (PDF) waxa uu rumaysan yahay in Puntland ay hor yaallaan caqabado adag balse aannu ku kalsoonnahay in Madaxwaynaha cusub uu buuxin doono ballanqaadyadii uu sameeyay ee dhinacyada Dawlad wanaagga, sugidda xuquuqda aadanaha iyo horumarinta dhaqan dhaqaale siyaasdeed, oo ay ku jirto horumarinta dawrka dumark ay ku leeyihiin arrimahaas. PDF waxa ay ku kalsoontahay in madaxwaynaha la doortay uu la shaqayn doono Dawladda Federaaliga ah, ururrada rayidka Soomaaliyeed iyo beesha caalamka si loo abuuro hannaan federaali ah oo caddaalad iyo rabitaanka dadka ku salaysan.

Waxaa kaloo madaxwaynaha la doortay laga filayaa in uu mudnaanta koowaad siiyo maamul waaxyihiisu gaaraan gobolladii unkay Puntland, middaas oo ay weheliyaan si caddaalad ah in dheefta Puntland ee dhinaca mashaariicda horumarinta ah si siman loo wadaago.

Ugu dambayn , waxaa PDF ay ku dhiirragalinaysaa Madaxwaynaha la doortay in uu tiigsado kana faa’idaysto waxtarka dadka qurbajoogta ah, iyo sidii uu u dhaqangalin lahaa straatiijiyad barnaamijyo iyo siyaasad ku jaan go’an in la hiigsado kan gun gaaridda horumarka Puntland. PDF waxa ay la diyaar u tahay in ay gacan ka gaysato ujeeddooyinkaas.

Puntland Diaspora Forum (PDF), Media and Publication Office.