Hey’adda Badmareennada Caalamka Oo Sheegtay In Burcad Badeed Ereteriyaan Ah Ay Afduubteen Markab Laga Laha Dalka Togo

0
872

MarkabHay’adda badmareennada caalamiga ah ayaa sheegtay in kooxihii Afduubka u gaystay markabkii laga lahaa wadanka Togo aysan ahayn kooxaha burcad badeeda Soomaalida ah.

War ka soo baxay hey’adda Badmareennada Caalamka ayaa lagu sheegay in kooxaha burbad badeedda Soomaalida aysan ka dambeeeynin afduubka markab ganacsi oo laga leeyahay dalka Togo kaas dhawaan laga afduubtay badda cas.

Jakulin Sharif oo ah afhayeen u hadlay howlgalka la dagaallanka bucad badeedda Soomaalida ayaa sheegay iney hayaan faahfaahinno dheeraad ah oo ku saabsan falka afduubka ah ee loo geystay markabkaasi, isagoo caddeyay iney afduubkaasi ka dambeeyeen burcad badeed Eriteriyaan ah.

Saraakiisha hey’adda badbareennada caalamiga ah ayaa sheegtay in sababaha ay ugu maleeyeen burcad badeed Soomaali ah ay aheyd qaabka uu u dhacay falkaasi, laakiin waxa ay tilmaameen in hadda ay u caddaatay iney afduubkaasi ka dambeeyeen burcad badeed Eretiriyaan ah.

 

Radio Muqdisho