Ugu yaraan 11 Ruux ayaa ku dhimatay in kabadan 10 kalena waa ay ku dhaawacmeen kadib Israsaaseyn dhexmartay Ciidamo kawada tirsan dowladda Federaalka Soomaaliya oo ka dhacay Deegaanka Briire ee Gobolka Shabeelaha Hoose.
Israsaaseyntaan ayaa ka dambeysay kadib markii Gaari Caasi ah oo ay saaraayen dad shacab ah kana soo baxay Degmada Afgooye kuna sii jeeday Degmada Qoryooleey ay dhex ka sii raaceen Ciidamo ka tirsan kuwa dowladda Soomaaliya.
Markii ay marayaan Deegaanka Bariire oo 25 Km Xagga Koofur kaga aadan Degmada Afgooye ayaa waxaa isku dhacay Ciidamo ay Jid gooyo halkaasi u taalay iyo kuwii gaariga saarnaa oo doonayay in ay isbaarada gaariga dhaafiyeen.
Israsaaseyn in cabaar ah socotay ayaa lagu soo warramayaan in ay ku dhinteen illaa 3 Askari iyo 9 qof oo Rayid ah , dadka dhintay qaarkood ayaa la sheegay in ay u geeriyoodeen dhaawac ka soo gaaray iska hor’imaadka.
Si kastaba xaaladda goobta ay wax ka dheceen ayaa degan iyadoo dadkii dhaawacmay loo soo qaaday isbitaalada Magaalada Caasimadda ah ee Muqdisho.
Shabelle