Jawaari: Baarlamaanku ha dar dar Geliyo Howsha uu igmaday Qaranka

0
1031

Jawaari20130616_1Guddoomiyaha Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Mudane Max’ed Sheekh Cismaan Jawaari ayaa ka dalbaday Xildhibaanada Baarlamaanka in ay dar dar geliyaan Howlaha ay u hayaan Bulshadooda Soomaaliyeed.

Guddoomiyaha Baaqa uu u jeediyay Xildhibaanada ayaa ka dambeeyay kadib markii shalay uu ka hor aqriyay Golaha Baarlamaanka Marxaladihii kala duwanaa ee Baarlamaanku uu soo maray tan iyo 1960-kii.

Guddoomiye Jawaari ayaa sheegay in haddii Baarlamaanku uu noqdo mid hagaagsan gebi ahaanna ay tooseyso dowladda Federaalka Soomaaliya umadda Soomaaliyeedna aay dowladdu uga soo dhalaaleyso Masuuliyadeeda.

“Waxaa tihiin afhayeenkii Shacabka ee ha idinka Muuqato Masuuliyadda idin saaran ee shacabka aad ku matashaan “ ayuu ugu dambeyn yiri Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya Mudane Max’ed Sheekh Cismaan Jawaari.

Shabelle