Kulamo looga hadlay dhibaatada heysata Beeraleyda Sh/hoose oo meelo kala duwan lagu qabtay

0
1188

BeeroKulamadaan oo ahaa mid looga hadlayay dhibaatada Heysata Beeraleyda Degmada Afgooye ee Gobolka Shabeelaha Hoose ayaa waxa uu kakala dhacay Magaalada Muqdisho iyo deegaanno hoostaga Gobolkaasi.

Guddoomiyaha Degmada Afgooye ee Gobolka Shabeelaha Hoose C/llaahi Cabdi Axmed Ibeey oo kulanka kadib la hadlay Warbaahinta ayaa waxa uu ka warbixiyay dhibaatada ugu weyn ee beeraleyda ku heysata Gobolka Shabeelaha Hoose.

Mr Ibeey ayaa carabka ku adkeeyay in Beeraleyda laga qaado Lacago baad ah islamarkaana dowladda looga baahan yahay in si deg deg ah ay wax uga qabato.

Maalmihii dambe ayaa waxaa soconayay Kulamo isdaba joog ah oo looga hadlayo sidii wax looga qaban lahaa dhibaatooyinka heysta Beeraleyda Gobolka Shabeelaha Hoose.

Shabelle