Kulan isbarasho ah oo maanta ka dhacay Xarunta Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga

0
807

Kulan isbarasho ah oo loogu gogol xaarayo xafladda xil wareejinta Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga oo qabsoomi doonta bilowga bisha February ayaa waxa uu maanta ka dhacay Xarunta Wasaaradda ee Caasimadda Muqdisho.

Siihayaha Xilka Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga H.E. Fawzia Yusuf H. Adam ayaa maanta ku soo dhoweysay Xarunta Wasaaradda Wasiir kuxigeenka cusub ee Wasaaradda H.E. Mahad Mohamed Salad , oo kulan isbarasho la yeeshay agaasimayaasha guud , agaasimayaasha waaxyaha iyo lateliyeyaasha kala duwan ee Wasaaradda .
Kulanka oo hadalo isbarasho iyo soo dhoweyn ah ay ka kala jeediyeen dhammaan ka qeybgalayaasha , ayaa Kusimaha Xoghayaha joogtada ahna agaasimaha guud ee hab maamuuska qaranka Adv. Hersi Haji Olosow uu sheegay in Wasaaradda ay ka howlgalaan shaqaale aqoon iyo khibrad dheer u leh howlaha diblomaasiyadda , ayna diyaar u yihiin la shaqeynta Wasiiradooda cusub , isagoo ammaan iyo bogaadin u jeediyay H.E. Fawzia Yusuf H. Adam oo uu ku tilmaamay Wasiir howl kar ah oo sare u qaaday muuqaalka dowladnimo ee dibadda.

Siihayaha Xilka Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga H.E. Fawzia Yusuf H. Adam oo iyana kulanka ka hadashay ayaa waxa ay cadeysay kalsoonida ay ku qabto shaqaalaha kala duwan ee Wasaaradda kuwa ka howlgala xarunta iyo kuwa dibadda intaba, iyadoo muujisay in Wasaaradeedu ay ku tallaabsatay muddo sanad iyo bar guulo wax ku ool ah oo qeyb ka aheyd dhisidda iyo xoojinta siyaasadda dibadda.

Wasiir kuxigeenka cusub ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga H.E. Mahad Mohamed Salad, oo kulanka soo gaba-gabeeyay ayaa sheegay in xilku uu yahay meerto , nolosha siyaasaduna ay ku dhisan tahay isbadal , waxaana uu xusay in ay u howlgali doonaan wax ka qabashada baahida iyo caqabadaha hortaagan Wasaaradda , si loo fuliyo ujeedooyinka qaran ee Wasaaraddu u xilsaaran tahay.

Waxaa xusid mudan in Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ay qorsheyneyso bilowga bisha February qabsoomidda xaflad ay xilka kula wareegayaan Wasiirada cusub ee Wasaaradda oo qaarkood aan weli xilka loo dhaarin.

WasaaraddaArrimahaDibadda20140126_2 WasaaraddaArrimahaDibadda20140126_1 WasaaraddaArrimahaDibadda20140126_4 WasaaraddaArrimahaDibadda20140126_3