Kulan Looga Hadlayey Hormarinta Iyo Maalgashiga Soomaaliya Oo Lagu Qabtay Magaalada Nairobi

0
969

Kulankan oo ay soo qaban qaabisay hay’adda Nairobi from ayaa waxaa kasoo qaybgalay mas’uuliyiin ka kala socdey hay’adaha UNDP, FAO, HANVARD , IDLO & Ganacsato Soomaaliyeed waxaana lagu lafa guray kulankan qaabkii Soomaaliya looga hormarin lahaa dhinacyada Beeraha, Kaluumaysiga iyo Warshadaha.

Ganacsatadii kasoo qaybgashay kulanka ayaa dhammaan isla qiray in Soomaaliya ay leedahay khayraad fara badan oo dabiici ah islamarkaana ay haatan u baahantahay in la maalgaliyo .

Sidoo kale waxaa kulankan maanta layskula soo qaaday sidii loo dhamaystiri lahaa Shuruucda bangiyada iyo maalgashiga ee dalka Soomaaliya si maalgaliyeyaashu ugusoo dhiiradaan maalgashiga gudaha dalka Soomaaliya.

Gabagabadii kulankan ayaa waxaa warbaahinta uga warbixiyey waxyaabaha layskula soo qaaday iyo ahmiyada uu uleeyahay ganacsiga Soomaaliya Axmed Nuur oo ah gudoomiyaha hay’adda HANVARD AFRICA waxaana uu sheegay in kulankan uu hordhac u yahay kulammo muhiim ah oo la doonayo in lagu hormariyo maalgashiga dalka Soomaaliya haday tahay ganacsato ajaaniib ah iyo kuwo muwaadiniin ah intaba.

Sidoo kale intii uu kulankani socday ayaa waxaa lagu iclaamiyey Carwo lagaga hadli doono sidii kor loogu qaadi lahaa maalgashiga dalka Soomaaliya oo 17-19 February lagu qaban doono xarunta ganacsiga aduunka ee Dubai iyadoo loogu baaqay guud ahaan ganacsatada Soomaalida inay kasoo qaybgalaan Carwadaasi .

Radio Muqdisho

ShirkaMaalgelintaSomalia20140118_6 ShirkaMaalgelintaSomalia20140118_5 ShirkaMaalgelintaSomalia20140118_4 ShirkaMaalgelintaSomalia20140118_3 ShirkaMaalgelintaSomalia20140118_2 ShirkaMaalgelintaSomalia20140118_1 ShirkaMaalgelintaSomalia20140118_8 ShirkaMaalgelintaSomalia20140118_7