Labo ka mid ah Baalayaasha ku shaqeeya iftiinka qoraxda ayaa saakay waabarigii hore lagu bur buriyay qaraxyo lagu xiray, iyadoo tani ay qeyb ka tahay weerarada lagu hayay baalayaaasha oo uu Maamulka Gobolka Banaadir ka hirgeliyay wadooyinka Muqdisho.
Sida ay sheegayaa wararka baalayaashan oo ku yaalay meel u dhow xarun lagu daweeyo dadka dhimirka la’ ayaa markii qaraxyada lala beegsaday firiro ay wax ka soo gaareen ilaa shan ruux oo ahaa dad dhimirka la’ oo xaruntaas ku jiray.
Wararka ayaa sheegaya in qaraxyadan oo loo adeegsaday miinooyin lagu xiray baalayaasha, isla markaana uu gebi ahaanba bur buray labadii baalo ee ku yaala Xaafada Al-baraka ee degmada Hodan.
Mid ka mid ah dadka ku nool xaafada Al-Baraka ayaa u sheegay qaar ka mid ah Idaacadaha Maxaliga in saakay waabarigii hore ay ku soo tooseen qarax xoogan oo ka dhacay xaafadooda, isagoo tilmaamay markii ay ku soo baxeen ay arkeen baalayaal dhulka yaala.
“Qaraxa markii saaka waabarigii hore aanu maqalnay, waa ku soo baxnay, waxaa aragnay labo baalle oo ahaa kuwo ku shaqeynayay cad ceeda oo dhulka yaal, laakiin waxaa nasiib daro aheyd markii firirada ka dhashay qaraxa baalayaasha ay ugu tageen xaruntooda dad dhimirka la’ oo ku jiray xarun lagu daaweeyo”ayuu yiri mid ka mid ah dadka ku nool xaafada Al-Baraka.
Ilaa iyo hada ma jirto cid sheegatay weerarkan lala eegtay baalayaasha ku shaqeeya cad ceeda, iyadoo ay dhowr jeer oo hore sidan oo kale baalayaal ku yaala jidadka maka Al-mukarama, wadnaha iyo Sodonka qaraxyo lagu bur buriyay.
Maamulka Gobolka Banaadir ayaa horay ugu baaqay shacabka ku nool degmooyinka, inay ilaashadaan nalalka ku shaqeeya cad-ceeda, iyagoo ku eedeeya kooxo doonaya inay mugdiga ku dhuuntaan inay beegsanayaan.