Labo ka mid ah Taliyeyaasha Saldhiga booliska degmooyinka Gobolka Banaadir oo ku dhintay qaraxii xalay

0
1049

Afhayeenka Ciidamada Booliska ahna Taliyaha Booliska Gobolka Banaadir Maxamed Cumar Madaale ayaa xaqiijiyay in labo ka mid ah Taliyeyaasha Booliska Saldhiga degmooyinka Wardhiigley iyo Shingaani ay ku dhinteen qaraxii labaad ee ka dhacay afaafka hore ee Hotelka Jazeera.

Jen. Madaale ayaa sheegay in Taliyeyaashan iyo ciidamo kale ay ka mid ahaayeen dadkii u soo gurmaday Hotelka, kadib markii uu dhacay qaraxii hore ee ismiidaaminta ahaa, waxaana uu tilmaamay in tirada dhaawacyada uu gaaro ilaa 37 ruux oo 15 ka mid ah dhaawacyada ay culus yihiin.

“Qaraxii hore waxaa ku dhintay afar askari, kii labaad waxaa ku dhintay labo sarkaal, dhaawacuna waxaa uu gaarayaa 37 ruux oo 15 ka mid ah xaaladooda ay liitaan, labada sarkaal ee goobta ku dhintay waxay ahaayeen Taliyaasha saldhiga booliska degmooyinka Wardhiigley iyo Shingaani oo goobta u soo gurmaday”ayuu yiri Afhayeenka Booliska.

Qaraxa labaad ayaa dhacay nusa saac kadib markii qaraxii hore uu dhacay, waxaana uu yimid markii ciidamo isugu jiray Boolis iyo Nabadsugid ay soo buuxiyeen banaanka hotelka oo ay gurmad ahaan u yimaadeen, hase ahaatee gaari waxyaabaha qarxa ka buuxa oo banaanka hore ee hotelka yaalay uu qarxay.

Al-Shabaab ayaa sheegtay inay ka dambeeyeen weerarkan, waxaana war qoraal ah oo ay soo dhigeen barta Twitter-ka ay ku cadeeyeen inay gaareen hadafkii ay ka lahaaayeen weerarkaas oo ku bilowday Sanadka cusub ee 2014.

Jowhar

QaraxHotelJazira20140102_1 Qarax20140102_1