Guddoomiyaha Degmada Marka ee Gobolka Shabeelaha Hoose Max’ed Cismaan Cali Yariisow oo la hadlay Idaacadda Shabelle ee Magaalada Muqdisho ayaa waxa uu sheegay in Maamulku ay ka go’antahay xaqiijinta ammaanka ee Xaafadaha kala duwan ee degmada Marka islamarkaana waxa uu ballan qaaday in ay si xoog ah kaga sifeyn doonaan Kooxaha sida dhuumaaleysiga mararka qaar u dhigta jid gooyooyinka iyo kuwa sida tooska ah u yaalla.
Max’ed Cismaan Yariisow Guddoomiyaha Degmada Marka ayaa carabka ku adkeeyay in ay ladagaalami doonaan tan iyo inta ay ka sifeynayaan Kooxahaasi Degmada marka.
Deegaanno iyo Degmooyin ka tisran Gobolka Shabeelaha Hoose ayaa waxaa yaalla jid gooyooyin aad u tiro badan kuwaas lacago sharci darro ah looga qaado dadka Shacabkaa ee Isticmaala waddooyinkaasi.
Shabelle