Maamulka Somaliland ayaa shaaca ka qaaday in maalmaha soo socda uu dib u bilaaban doono wada hadalka u dhaxeeyay iyaga iyo dowladda Soomaaliya, kadib markii tiro dhowr jeer wada hadaladaas dib loo dhigay.
Wasiirka Arrimaha dibada Somaliland Maxamed Yoonis Biixi ayaa sheegay in qorshuhu yahay in 16-ka Janaayo uu dalka Turkiga ka furmo wada hadaladii Somaliland iyo Soomaaliya, isagoo xusay in wafdigii Somaliland uga qeyb geli lahaa wada hadaladaas ay dhowaan u ambabixi doonaan.
“Wada hadaladii Soomaaliya iyo Somaliland dhowaan bey furmayaan, waxaa qorshuhu yahay in 16-ka bishan Janaayo uu shirkaas bilowdo, ka horna aan Turkiga u ambabaxno”ayuu yiri Wasiir Biixi.
Mr Biixi ayaa sheegay in shirkan uu noqonayo mid ay ku wada hadlayaan sidii labo dowladood oo jaar ah, isagoo xusay in shacabka Somaliland iyo asxaabta siyaasada ay mas’uul ka yihiin sida uu yiri.
Wada hadalada labada dhinac ayaa noqonaya wajigii saddexaad oo uga furmo Turkiga, iyadoo labo jeer oo hore labada dhinac ay ku kulmeen, isla markaana qodobo ku heshiiyeen.
Jowhar