Wararka ka imaanaya magaalada Kismaayo ayaa sheegaya in tiro badan oo madaafiic ah xalay lagu weeraray qeybo ka mid ah magaalada, iyadoo tani ay cabsi gelisay dadka ku nool magaalada.
Madaafiicda hoobiyeyaasha ayaa lagu weeraray Xarunta Jaamacada Kismaayo oo ay degan yihiin wafuudii ka qeyb gashay munaasabadii caleema saarka Hogaamiyaha Maamulka KMG ah ee Juba.
Wariye ku sugan magaalada Kismaayo ayaa soo sheegaya in madaafiicda qaar ay ku dhacayeen meelo ku dhow Xarunta Madaxtooyada Kismaayo, hase ahaatee aanay geysan wax qasaare nafeed.
Saraakiisha Amniga ee Maamulka KMG ah Juba ayaa sheegay in qorshahooda yahay wixii ka dambeeya 25-ka bishan ay weerar ku qaadayaan deegaanada Al-Shabaab kaga sugan yihiin Jubooyinka iyo hareeraha magaalada Kismaayo.
Lama soo sheegin ilaa iyo hada wax qasaare ah oo ka dhashay duqeynta xalay lagu qaaday magaalada Kismaayo, iyadoo maalin ka hor magaaladaas ay dhacday munaasabad lagu caleema saarayay Axmed Madoobe oo ay ka qeyb galeen wakiilo ka socday beesha Caalamka.