Madaxweynaha “ 2014 ha noqdo sanadkii aan cirib tirnay Al-Shabaab”

0
1009

XasanSheekhOoFureyVillaHargeysa20140109_8Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya Mudane Xassan Sheekh Maxamuud oo shalay gelinkii dambe gaaray magaalada Addis Ababa ee xarunta dalka Ethiopia ayaa halkaasi uga qeyb galaya shir madaxeedka 22-aad ee Madaxda iyo hogaamiyeyaasha Midowga Afrika, iyadoo Soomaaliya ay aaminsantahay in la labo jibaarayo taageerada ku aadan cirib tirka Al-Shabaab.

Madaxda dalalka Afrika ayaa diiradda saari doona ajendaha 2063 oo dhigayo meesha Qaaradda Afrika la doonayo in ay gaarto sanadkaas. Ajendaha ayaa waxaa ku xusan in Qaaradda Afrika ay tallaabo la taaban karo sameysay sida dowlad wanaagga, dhaqaalaha iyo horumarka.

Madaxweynaha ayaa sheegay “Sanadkaan waxaan ku bilaawnay guulo laga gaaray cadawga dalka, anagga oo aad isku diyaarinay kaalmana ka heleyno saaxibadeena, waxaan ku qasabnay cadawga in ay waayaan meel ay ku nastaan kuna dhuuntaan. waxaan saarnay culeys aysan u dulqaadan karin, oo ka mid ah weeraro isdaba joog ah oo meel walba ah.

“Waan wadeynaa qorshaha cirib tirka Al-Shabaab. howshaan, waa in aan soo af-jarnaa sanadkan 2014” ayuu markale Madaxweynuhu yiri

Shirkan oo maanta ka furmaya magaalada Addis Ababa ayaa lagu wadaa in maalinta berrito ah halkaasi lagu soo gabo gabeeyo oo ay ka soo baxaan go’aanno wax ku ool ah, waxaana shalay la soo gabo gabeeyay shirkii Wasiirada Arrimaha Dibedda ee Midowga Afrika.