Madaxweynaha cusub ee maamul goboleedka Puntland ayaa xalay lagu caleema saaray magaalada Garoowe ee Xarunta Puntland,kadib munaasabad maalmihii ugu dambeeyey la qabanqaabinayey oo xalay si rasmi ah uga dhacday Madaxtooyada Garoowe
Xafladda caleema saarka madaxda Puntland oo xalay saqdii dhexe lagu soo gabagabeeyey madaxtooyada Garoowe ayaa waxaa kasoo qeyb galay wafuud kala duwan oo ka socday maamullada dalka ka jira dawladda federaalka ah ee Soomaaliya, wadamada deriskalaah Soomaaliya, Q.M iyo wakiillo caalami ah.
Sidoo kale waxaa kasoo qeyb galay hogaamiyaashii hore ee Puntland oo uu ka mid ahaa C/raxmaan Faroowe,waxaa kale oo xafladdaas kasoo qeyb galay kumannaan dadweyne ah oo dadka iyo dibadda isaga kalayimid.
Madaxweynihii hore ee Puntland C/raxmaan shiikh Maxamed Maxamuud Faroole oo khudbad ka jeediyey munaasabadda ayaa ayaa farxad ka muujiyey caleema saarka madaxweynaha uu dhawaan xilka ku wareejiyey prof C/weli Maxamed Cali Gaas.
Siyaasiyiintii munaasabadda ka khudbeeyey waxaa ka mid ahaa Ra’iisulwasaarihii hore ee Soomaaliya Cali maxamed Geeddii oo munaasabaddii caleema saarka madaxweyne Gaas ku tilmaamay mid taariikhi ah oo ka qeyb qaadanaysa midnimada umadda Soomaaliyeed, isagoo tusaale usoo qaattay martida kasoo qeyb gashay oo isaga kala yimid dhammaan gobollada Dalka.
Madaxweynayaasha maamullada Galmudug, Ximan iyo Ximan iyo Jubba oo iyaguna munaasabaddaas khudbado kasoo jeediyey ayaa soo dhaweeyey is bedelkii iyo doorashooyinkii dhawaan ka qabsoomay Puntland, iyagoo sheegay in ay Puntland kaga dayandoonaa tallaabooyinka wanaagsan.
Madaxweynaha la caleema saaray ee Puntland prof C/weli Maxamed Cali Gaas oo saqdii dhexe ee xalay soo gabagabeeyey munaasabadda ayaa u mahadceliyey dhammaan marti sharafta kasoo qeyb gashay caleema saarkiisa, isagoo xusay in maamulkiisu uu ka shaqeyn doono midnimada iyo walaaleynta umadda Soomaaliyeed.
Radio Muqdisho