Madaxweynaha oo ka hadlay sababaha keenay dib u dhaca soo magacaabista Golaha Wasiirada

0
987

Abdiweli20131226_4Madaxweynaha Soomaaliya ayaa ka hadlay sababaha keenay dib u dhaca ku yimid soo magacaabista Golaha Wasiirada ee la filayay in dhowaan uu soo dhiso Ra’iisul Wasaare C/wali Sheekh Axmed Maxamed, iyadoo ay gabo gabo ku dhow dahay waqtiga uu sharciga u siinayo Ra’iisul Wasaaruhu inuu Xukuumad ku soo dhiso muddo sodon maalmood gudahood.

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka hadlayay Munaasabad xariga looga jarayay xarun cusub oo uu ku shaqeynayo Gudoonka Baarlamaanka Soomaaliya ayaa sheegay in Ra’iisul Wasaaraha uu dadaal wado dadaal uu wada tashiyo kula sameynayo qeybaha kala duwan ee bulshada.

“Waxaa u maleynayaa in Baarlamaanka berryahan dhan waxaa uu dheg taagaya Xukuumada, shaqo aad iyo aad u culus oo ah dadka soomaaliyeed in lala tashato, lala fariisto, la dhageysto waxay rabaan la weydiiyo ayay aheyd uma fududeen waxaa ogahay soo jeedkiisa habeeno badan inuu aad u wada tashiyo u waday, taas ayaa keentay hadii uu daah badan jiro, waxaa rajeynayaa inay soo dhamaan doonto, Baarlamaanka waa ku mahadsan yahay dulqaadkiisa”ayuu yiri Madaxweyne Xasan Sheekh.

Madaxweynaha ayaa sheegay inuu ku kalsoon yahay in Ra’iisul Wasaaraha uu soo dhiso Xukuumad tayo leh, isagoo qiray inay gabo gabo ku dhow dahay howshiisa soo magacaabida Wasiirada.

Warar soo baxaya ayaa sheegaya in 24-ka saac ee soo socda gudahood lagu dhawaaqi doono Golaha Wasiirada, oo muddo laga dhowrayay Ra’iisul Wasaaraha inuu soo dhiso, hase ahaatee waxaa jirtay in dowladda Soomaaliya ka war sugeysay natiijada doorashada Maamulka Puntland oo uu shalay ku guuleystay C/wali Maxamed Cali Gaas.

Jowhar