Madaxweynaha Soomaaliya oo ka hadlay is casilaadii Tarsan iyo arrimo kale oo muhiim ah

0
988

XasanSheekhBarlamaanka20130910_3Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo xalay ka qeyb galayay Barnaamijka Dood Wadaag ee ka baxa Telefishinka Universal TV oo si toos ah Muqdisho uga baxayay ayaa ka hadlay arrimo badan oo muhiim ah, iyadoo dadweynaha ka qeyb galay barnaamijkaas ay su’aalo weydiinayeen.

Madaxweynaha Soomaaliya oo la weydiiyay su’aalo badan ayaa ka mid ahaa arrinta soo dhisida Xukuumada oo soo daahday, is qab qabsiga ka jiray iyo wararka sheegaya in dad badan ay ku xeyndaaban yihiin xafiiskiisa oo qaar ay ehelnimo ugu dhow yihiin iyo kuwo saaxibtinimo, taasna ay keentay cabasho badan oo ka yimid bulshada Soomaaliyeed.

Mid ka mid ah Su’aalihii la weydiiyay Madaxweynaha oo ahaa hadii ay isaga Xukuumada ka shaqey weydo oo ay fashilanto inuu is casilayo iyo in kale ayuu sheegay in hadii uu lahaado sabab ay isaga Xukuumada ugu shaqeyn weydo uu diyaar u yahay inuu is casilayo.

“Hadii Asbaab aan aniga leeyahay ay Xukuumada ugu shaqeyn weydo, inaan is casilo diyaar u ahay, sharciga si uu ii casilo jirtee iyadana diyaar u ahay, laakiina asbaabta hadii qof kale ay leedahay ama mid kale mas’uuliyada ka tirsan ama nidaam uu leeyahayna midka kale loo saarinaya, ama isaga is casilayo ama la xirayaa ama dadka soomaaliyeed bedelkeeda loo raadinayaa”ayuu yiri Madaxweyne Xasan Sheekh oo ay ka muuqatay degenaan.

Sidoo kale mar la weydiiyay Madaxweynaha halka uu ku dambeeyay dagaalkii Al-Shabaab lagula jiray iyo sababta mas’uuliyiinta dowladda ay u degi la’yihii degmooyinka kale ee Gobolka Banaadir ama wixii ka xageeya Jidka Wadnaha ayuu sheegay inay taas ka shaqeyn doonaan oo ay wasiir walba u diyaarinayaan sidii degmooyinka u degi lahaayeen.

“Wareegto soo saareynaa ma lihin ee Wasiir hebel degmadaas ha dego, laakiin waxaa diyaarineynaa tasiilaadka arrintaas, degmooyinka kalena ma amaan xumo, waayo meelaha ugu badan ee qaraxyada ka dhacaan halkan ayay soo xigaan, teeda kale dagaalka Shabaab ma joogsan, sanadkan waxaa la maqli doonaa war wanaagsan, ayagaba waa og yihiin diyaar garowga ku soo socda, sidaas ayay meelaha u soo weerarayeen, mana qabsan waa la iska caabiyay”ayuu yiri Madaxweyne Xasan Sheekh.

Mar la weydiiyay Madaxweynaha arrinta Gudoomiyaha Gobolka Banaadir is casilaadiisa Wasiir kuxigeen iyo hadal heynta ku saabsan in la bedelayo ayuu waxaa uu ugu horeyn ku tilmaamay nin shaqo badan soo qabtay, isla matkaana ahaa Gudoomiyihii ugu waqtiga dheeraa ee soo mara Gudoomiyeyaasha Gobolka Banaadir

“Maxamuud Axmed Nuur Gudoomiyaha Gobolka Banaadir nin shaqo soo qabtay waaye, nin dhowr sano Gudoomiyeyaashii waayahan dalka soo marayay kii ugu waqtiga dheeraa ayuu ahaa, wixii uu qabtay dadku wey qirayaan, dowladdu wey qireysaa, laakiin taas macnaheedu ma ahan darajada dowladnimadu oo ay mida Madaxweynenimada ugu weyn tahay boos 50 ber 50 oo qofka loo cabariyay oo ebedkiisa lahaanayo ma ahan, waa la is bedelayaa, Gudoomiyaha waa la bedelayaa , midka berri imaan doona waa la bedelayaa kuwii isaga ka horeeyay waa la bedelay, wax isaga ku gaar ah ma ahan, naceyb gooni asiga loo qabo ma ahan, asigaa xor ah hadii uu yiri ma qabanayo, wax ku qasbayo ma jiraan waa laga deynayaa meeshii kale dowladnimada iyo dalka uga qaban karo, asiga naftiisa ku qanacsan tahay wuu qabanaya”ayuu yiri Madaxweyne Xasan Sheekh.

Qaar ka mid ah haweenkii ka qeyb galay barnaamijka dood wadaag ayaa weydiiyay Madaxweynaha sababaha ay jidadka u xiran yihiin, maadaama magaalada amni ka jirto, waxaana uu ku jawaabay in arrintaas ay tahay daruuf amni, balse ay noqon doonto mid KMG ah oo laga gudbo.

“jidadka ma xirno qeyb ayay ka xiran yihiin, xaalada aan ku suganahay waa KMG, ha dulqaateen shacabka mar dhow waa la qaadi doonaa xanibaada wadooyinka yaala, daruuftaas ayaa keeneysa, in wadada aan furno macnaheeda ma ahan inaan dadka ciriiri ku noqon ee waa arrinta jirta hey’adaha ama dowladda maalin walba in la laayo oo baabuur qarax loo geliyo oo ajaaniibta dalka joogta sodon laga dilo maalin kasta taas waa arrin inaan ka fikirno u baahan waaye”ayuu yiri Madaxweyne Xasan Sheekh

Ugu dambeyn madaxweynaha ayaa baaq u diray Xildhibaanada iyo mas’uuliyiinta dowladda ee xil haya, isagoo xusay in maalin un lala xisaabtamayo, isla markaana la gaarayo xilli la soo qabanayo qofkii dambi galay, waxaana uu kula dar daarmay mas’uuliyiinta dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed in laga shaqeeyo dowladnimada, waxaana uu cadeeyay in waxa uu ugu jecel yahay inuu arko ay tahay Soomaaliya oo mid ah, amni iyo siyaasad ahaan degan sida uu yiri.

jowhar