Maddaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamud ayaa maanta waraaqihii aqoonsiga ka guddoomay safiirka cusub ee Japan Mr Tatsushi Terada, kaasoo noqonaya Danjiraha rasmiga ee Japan u fadhin doona Soomaaliya.
Safiirka cusub Tatsushi Terada ayaa ka mahadceliyey sida quruxda badan ee loogu soo dhoweeyey Muqdisho, isla markaana looga guddoomay waraaqihiisa aqoonsiga.
Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Danjiraha Japan oo uu si rasmi waraaqihiisa aqoonsiga ee Danjirnimo kaga gudoomiyay.
Sii hayaha Wasiirka Arrimaha dibada Fowziyo Yuusuf Xaaji Aadam oo ka hadashay goobta uu safiirka ku gudoonsiinayay Madaxweynaha waraaqihiisa aqoonsiga ayaa sheegtay in Japan iyo Soomaaliya lixdameeyadii uu xiriirkooda soo jiray.
Safiirka ayaa sheegay in Soomaaliya iyo Japan ay leeyihiin xiriir taariikhi ah, haddana Japan ay dooneyso inay Soomaaliya ka caawiso dhanka amniga iyo dib u dhiska dalka.
Madaxweynaha Soomaaliya oo hadlay ayaa sheegay in Japan ay ka mid tahay dalalka saaxibada la ah Soomaaliya, isagoo uga mahad celiyay doorka hogaamineed ay ka qaadaneyso arrimaha Soomaaliya.
“Japan waxey na tustay sida ay u tahay saaxiib ay ka go’antahay inay ka dhabeyso ballanqaadyadii horey loogu sameeyey shirkii qaaska ahaa ee bishii May sanadkii hore lagu qabtay Yokohama oo beesha caalamka tustay sida ay Japan door hoggaamineed uga qaadaneyso arrimaha Soomaaliya, waxaana uga mahadcelinayaa dowladda Japan sida ay u daneyneyso Soomaaliya iyo kaalmadooda dhanka amniga, dib-u-dhiska iyo kor u qaadista tayada shaqaalaha dowladda oo ay saraakiil badan tababar ku soo siiyey dalka Japan”ayuu yiri Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.
Madaxweynaha oo sii hadlayay ayaa yiri “Waxaan kaaga mahadcelinayaa booqashadaada Muqdisho, oo ah tallaabooyinkii ugu danbeeyey oo na tuseysa inaan beesha caalamka doorkeenii ku soo noqonay. Bacdamaa aan xasilineyno dalka oo aan horumar joogta ah ku tallaabsaneyno, waxaan rajeynayaa in Japan oo ah dowlad dhaqaalaheedu xooganyahay inay dalkeena maalgeshtaan oo shacabkayaga oo leh dal kheyraad fara badan ay u horseedo inay gaajada ka baxaan oo barwaaqo ay ku noolaadaan”
Tan iyo markii dowladda Soomaaliya ay ka baxday Kumeel gaarka ayaa waxaa isa soo tarayay dalalka Caalamka ee Safiirada u soo magacaabayay Soomaaliya, iyadoo Madaxweyne Xasan Sheekh uu waraaqaha aqoonsiga ee Danjirnimo ka gudoomay Safiiro ka socday Caalamka.