Madaxweyne Xasan oo ugu baaqay xukuumadda cusub xoojinta dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab

0
841

XasanSheekhOoFureyVillaHargeysa20140109_8Madaxweynaha dowladda federaalka ah ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in loo baahan yahay in dowladda ay Al-Shabaab ka xorrayso goobaha ay kaga sugan tahay dalka.

Madaxweynaha ayaa sheegay in la doonayo in la nabadeeyo waddanka si loo joojiyo khatarta argagaxisada ee dalka.

Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sidoo kale tilmaamay in goobaha soo gala gacanta dowladda la gaarsiin doono adeegyada bulshada ee ay shacabku u baahan yihiin.

Madaxweynaha ayaa dhinaca kale sheegay in la doonayo in la billaabo canshuur ururinta taas oo gun-dhig u ah buu yiri dib-u-habaynta iyo maaraynta maaliyadda, si dalka loogu horseedo soo kabasho dhaqaalaha iyo horumarka guud.

Hadalkan ayuu madaxweynuhu ku sheegay war saxaafadeed ka soo baxay xafiiskiisa oo uu kaga hadlayay ansixinta golaha wasiirrada xukuumadda Soomaaliya.

Bar-kulan