Magaalooyinka Puntland Oo Shacabka Ku Dhaqan Ay Si Weyn U Taageereen Madaxweynaha Maamulkaasi

0
1064

Shacabka Soomaaliyeed ee ku dhaqan deegaannada maamulka Puntland ayaa soo dhaweeyey madaxweynaha cusub ee Puntland prof-C/weli MaxamedCali Gaas oo shalay loo doortay in uu shanta sano ee soosocota noqdo madaxweynaha maamulkaas.

Dibad baxyolagu taageerayey madaxweyne Gaas ayaa ka dhacay degmooyin kala duwan oo ka tirsan gobollada Nugaal,Bari,Sanaag, Mudug iyo Sool, dibad baxyadaas ayaa dadweynuhu waxay ku muujinayeen shacuurtooda ku wajahan madaxweynaha Cusub ee uu maamulka Puntland yeeshay.

Dadka ayaa Prof-C/weli ugu hambalyeynayey xilka madaxweyne ee loo doortay,waxayna ka codsanayeen inuu la yimaado maamul tayo leh oo horumar iyo nabad-gelyo kala gaarsiiya shacabka Puntland.

Dhinaca kale Hal ruux oo shacab ah ayaa ku dhintay qof kalena dhaawac ayaa kasoo gaaray rabshad muddo daqiiqado ah socotay oo ka dhalatay dibadbax lagu taageerayey C/weli Maxamed Cali Gaas, kaasoo ka dhacay bartamaha magaalada Garoowe, kadib markii lagu dhawaaqay natiijada doorashadii uu ku guulaystay.

Guddoomiyaha gobolka Nugaal C/Xirsi Cali Qarjab ayaa cambaareeyey rabshaddaas dhimashada iyo dhaawaca sababtay,wuxuuna ku tilmaamay arrin ay ku kaceen dad wax ma garad ah,isagoo ka digay in mar kale ay soo laabtaan rabshadahaas oo kale.

Inkasta oo madaxweynaha cusub ee maamulka Puntland C/weli Maxamed Cali Gaas uu taageerayaal badan ku leeyahay deegaannada Puntland ayaa haddana waxaa horyaal waajibaad shaqo oo aad u culus iyo in uu ka dhabeeyo ballan qaadyo badan oo uu tartanka kusoo galay.

Radio Muqdisho

 

BuuhoodleBanaanbax20140109_2 BuuhoodleBanaanbax20140109_1 BuuhoodleBanaanbax20140109_3