Mareekanka oo Somaaliya u direy ciidamo ka kooban lataliyayaal iyo tababarayaal

0
1502


CiidamoMareekanDowladda Mareekanka ayaa si qarsoodi ah bishii October wadanka Somaliya ugu dirtey ciidamo tiro yar oo isugu jira tababarayaal iyo lataliyayaal. Waana markii ugu horeysey oo ciidamo mareekan ah oo si joogto ah ugu howlgala gudaha Somaliya tan iyo markii laba dayaaradood oo helicopters ah loogu ridey iyo 18 ciidamo ah loogu diley sanadkii 1993.

Ciidamada Mareekanka oo ku sugan Somaaliya ayaa gacan ka geysta talana ka siiya ciidamada Amisom la dagaalanka kooxaha Alshabaab.

Joogitaanka ciidamada Mareekanka ee dalka Somaaliya ayaa bedeshey siyaasadii oo ay ku dhaqmeysey dowladaasi labaatankii sano la soo dhaafey oo ahaa in ciidamo Mareekan ah aan Soomaaliya la geyn doonin.

Waxaana waayahan dambe dowladda Mareekanka adeegsaneysed dayaaradaha loo yaqaan ‘Drone” oo weerar dhanka cirka ay kaga qaadeysey fariisimada Alshabaab ay ku leeyihiin gudaha Somaaliya, ayadoo sidoo kale bartilmaameed ay ka dhiganeysid taliyayaasha Alshabaab.

Waxaa sidoo kale basaasiinta CIA ee Mareekanka in muddo ahba si qarsoodi ah ugu howlgalaan gudaha Soomaaliya ayagoo taageero dhaqaale ah ay u fidiyaan sirdoonka Somaaliya.

Washington Post