Maxkamadeynta Muwaadiniin Soomaali Ah Oo Ka Socota Magaalada Nairobi

0
976

NairobiMaxakamad ku taala dalka Kenya ayaa waxaa ka socda dacwad loo haysto ilaa 4 ruux oo Soomaali ah, kuwaasi oo lagu tuhmayo in ay ku lug lahaayeen weerarkii kol hore ka dhacay xaruunta Ganacsiga Westgate ee magaalada Nairobi.

Maxkamad ku taala magaaladda Nairobi ee dalka Kenya ayaa 15,kii bishan bilowday dhageysiga dacwad loo heysto 4 ruux oo Soomaali ah kuwaas oo lagu eedeeyay iney ku lug lahaayeen weerarkii dadka badan ay ku geeriyoodeen ee lagu qaaday suuqa West Gate Mall ee magaaladda Nairobi.

Afarta qof ee dacwadda loo heysto ayaa waxa ay kala yihiin : Adan Mohamed Abdkadir Adan, Mohamed Ahmed Abdi, Liban Abdullahi Omar iyo Hussein Hassan Mustafah, waxaana warbixintan lagu sheegay in dadkan lagu soo eedeeyay iney taagerayeen kooxaha argagaxisada, waxaana eedeynta ka mid ah in dhinaca loojistikada ay ka taakuleyn jireen dadkii weerarka ku qaaday suuqa West Gate Mall.

Saraakiisha maxlamadda dalka Mareykanka ayaa sheegay in maxkamdeynta dadkan ay sii socon doonto ilaa iyo 27, bishan January markaasoo maxkamadda ay go’aan so saari doonto.

Radio Muqdisho