Mid ka mid ah Wasiiradii hore oo sharci daro ku tilmaamay mooshinka laga soo gudbiyay

0
1028

GolahaWasiirada20130912_1Iyadoo labo maalmood ka hor Baarlamaanka Soomaaliya loo gudbiyay mooshin ka dhan ah Wasiiradii hore ee Xukuumadii Saacid ee uu Baarlamaanka kalsoonida kala laabtay, kaasoo ahaa in aanay dib u soo laaban karin ayaa waxaa mooshinkaas sharci daro ku tilmaamay qaar ka mid ah wasiiradii hore.

Sii hayaha xilka wasiir kuxigeenka arrimaha gudaha Jaamac Axmed Maxamed ayaa ku tilmaamay mooshinkan mid aan sharciga waafaqsaneyn, isla markaana uu Baarlamaanka uu yahay mid Tallaab dheereeyay.

“Mooshinkan waa mid aan sharciga waafaqsaneyn, meelna aan ka soo gelin, in Baarlamaanka la horkeeno waa xaaraan, wax sax ah oo asal ah ma ahan, meelna kama soo gasho Dastuurka”ayuu yiri Jaamac Axmed Maxamed.

Waxaa uu sheegay in Baarlamaanka aanu xaq u laheyn inuu diido ama uu ogolaado cida uu Ra’iisul wasaaraha soo dooranayo, isagoo xusay in Baarlamaanku aanay sharciga ka weyneyn.

“Baarlamaanka cidna uma diidi karo, Xukuumada ayaa xaq u leh, Ra’iisul wasaaraha ayaa xaq u leh inuu soo doorto, baarlamaanka waxaa uu leeyahay marka la soo dhiso Xukuumada inuu ansixyo ama uu diido, Baarlamaanka sharciga kama weyna, qodobka 22aad ee dastuurka wuxuu xaq u leeyahay in la dhowqo ka qeybgalka siyaasada iyo sinaanta”ayuu yiri.

Qaar ka mid ah Wasiiradii hore ee Xukuumadii Saacid uu hogaaminayay ayaa dadaal badan ugu jira sidii ay mar kale isaga dhex arki lahaayeen Xukuumada cusub, iyadoo xusid mudan tahay inay qeyb weyn ku lahaayeen qorshihii lagu riday Cabdi Faarax Shirdoon.

Jowhar