War-saxaafadeed ka soo baxay xafiiska Danjiraha Midowga Afrika u qaabilsan Soomaaliya Maxamed Saalax Annadif ayaa si kulul loogu cambaareeyay qaraxyadii loo adeegsaday gawaarida oo xalay ciidamadu ku fashiliyeen bannaanka hore ee Hotelka Jasiira.
“Laba gaari ayaa ku qaraxday banaanka hore ee Hotelka Jasiira xilli ay halkaasi ku sugnaayeen ciidamada dowlada oo iyagu ku guuleystay iney fashiliyaan qaraxyadaasi, dowladuna waxa ay dadaal ugu jirtaan daryeelka dadkii ku dhaawacmay Qaraxyadaasi’’ Ayaa lagu yiri warsaxaafadeedka.
Danjire Annadif ayaa si kulul u cambaareeyay weerarka lagu qaaday Hotelka Jasiira, isagoo xusay in bishii September ee sanadkii 2012 hoteelkaasi lala beegsaday qaraxyo noocan oo kale ah, xilligaasi oo uu ku sugnaa Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Sheekh Maxamuud.
Radio Muqdisho