Ururka Midowga Africa ayaa sheegay in ay dejiyeen Qorshe Fog oo loogu talagalay hormarinta arrimaha Nabad geliyada Qaaradda Africa, iyadoo Soomaaliya ay ka mid tahay wadamada ugu horreya ee qorshahaas laga hirgelinayo.
Ku xigeenka guddoomiyaha Midowga Africa Mr. Muwinja oo shir jaraa’id ku qabtay magaalada Adis’ababa kadib markii uu halkaasi ku soo gebageboobay shir madaxeedkii wadamada Midowga Africa ayaa shaaciyay in shirkaasi looga hadlay horumarinta qaaradda Africa, iyagoo dejiyay qorshe fog oo horumarineed ilaa 2020.
Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray in shirka looga hadlay arrimo ay ka mid ahaayeen adkeynta ammaanka qaaradda Africa gaar ahaan mushkiladaha ka oogan qaar ka mid ah wadamada Africa sida dalka Koofurta Sudan, Jamhuuriyadda Africada Dhexe, Maali Soomaaliya iyo dibadbaxyada rabshadaha wata ee ka dhacaya dalka Masar.
Shir madaxeedka wadamada Qaaradda Africa oo shalay lagu soo gebagebeeyay magaalada Adis’ababa ayaa looga hadlay horumarinta dhaqaalaha, siyaasadda iyo ammaanka wadamada Africa.
Radio Muqdisho