Mudadii Xarakada Al-Shabaab u qabatay Shirkadaha Isgaarsiinta inay ku joojiyaan isticmaalka Adeega Internet-ka ee Fibre Optic iyo Internet Mobile ayaa waxaa ka harsan saddex maalmood, iyadoo aanay jirin wax war ah oo ka soo baxay Shirkadaha.
Dowladda Soomaaliya ayaa uga digtay Shirkadaha Isgaarsiinta inay u hogaansamaan amarka Al-Shabaab, iyadoo ugu hanjabtay shirkadii joojisa adeega Internet-ka ay tallaabo ka qaadi doonto.
Bayaan ka soo baxay Al-Shabaab sideedii bishan ayay u qabatay Shirkadaha Isgaarsiinta in muddo 15-maalmoood ku joojiyaan isticmaalka adeega Mobile Internet iyo Fibre Optic oo dhowaan laga hirgeliyay Soomaaliya, iyadoo looga digay shirkadii fulin weyday amarkaas loo aqoonsanayo inay cadawga la shaqeyso, sharcigana lala tiigsan doono.
Al-Shabaab ayaa sheegtay in adeega Fibre Optic uu yahay mid ay adeegsadaan Sirdoonka reer Galbeedka, gaar ahaan Mareykanka iyo Ingiriiska, kaasoo bayaan ay soo saartay ku cadeysay in lagu basaaso xogaha wadamada laga isticmaalo adeegaas.
Sidoo kale Al-Shabaab ayaa sheegtay in adeega internet-ka ee ay shirkadaha isgaarsiinta soo kordhiyeen ee ah Mobile Internet-ka uu yahay mid halis ku ah ammaanka, waxbarashada iyo akhlaaqda dhalinyarada, waxaana uu dhaawac ku yahay bey yiraahdeen anshaxa qeybo ka mid ah Muslimiinta, maadaama mobiladooda ay ka daawadaan aflaam anshax daro ah.
Shirkadaha Isgaarsiinta dalka ayaa waxaa heysta labo daran mid dooro, iyadoo hadii amarka Al-Shabaab diidaan ay kala kulmi karaan tallaabo, halka hadii ay aqbalaan amarkooda ay dowladda Soomaaliya kala noqon karaan ruqsada, waana arrin aad ugu adag.
Al-Shabaab oo sanadihii dhowaa laga saaray magaalooyin muhiim ah oo ku yaala gobolada Koofureed, ayaa hadana waxay maamulaan inta badan Gobolada Koofurta iyo bartamaha Soomaaliya.
Lama oga sida uu go’aankan u saameyn doono shirkadaha Isgaarsiinta ee bixiya isticmaalka Adeega Mobile Internet iyo qadka casriga ee loo yaqaano Fiber Optic oo ah markii u horeysay oo dalka laga hirgeliyo, waxaana la rajeynayay in sanadkan uu ka bilowdo Koofurta iyo Bartamaha Soomaaliya.
Jowhar