NUSOJ oo ku baaqday in la Joojiyo Faafinta Qasabka ah, Faafreebka iyo handadaadaha lagu hayo suxufiyiinta Gobolka Bay

0
941

baydhabo3Ururka Qaran ee Suxufiyiinta Soomaaliyeed ee NUSOJ ayaa cambaareeyay falkii xarigga ahaa lagu kala kacay Il-wareedka idaacadda Kulmiye ee magaalada Baydhabo maalinimadii Khamiista ee shalay, 09/0/2014, isagoo xirnaa muddo 8 saacadood ah.

Police-ka magaalada Baydhabo ayaa xarunta ADC horteeda shalay ku xiray weriye Cabdi Nuur Mayow, wakiil wareedka Idaacadda Kulmiye, kadib markii uu wareysiyo kala duwan ka qaaday odayaal iyo siyaasiyiin hortaagnaa xarunta ADC ee uu shirka lagu doonayo in lagu soo dhiso maamul goboleedka Koonfur Galbeed. Weriye Mayow ayaa xabsiga ku jiray muddo siddeed saacadood ah, isagoo la sii daayay fiidkii xalay.

Todobaadyadii u dambeeyay ayaa xarunta ADC ka socday shir la damacsanaa in uu maamul goboleed lagu dhiso, taasoo afkaarta siyaasiyiinta meesha isugu timid ku kala duwanaadeen dhismaha maamul goboleedka, iyadoo qaarkood ay doonayaan in lix gobol ay dhisaan halka kuwa kalena ay doonayeen inay dhisaan saddex gobol, taasoo suxufiyiinta gobolku ay natiijadii kala aragti duwanaanshahaas kala kulmeen handadaalo iyo xarigyo kala duwan, iyagoo kooxiba ay ku qasabto suxufiyiinta inay aragtidooda faafiso.

Weriye Muxudiin Xusni oo ah wakiil wareedka Universal TV ayaa NUSOJ u sheegay in arrintaasi ay khatar gelineyso amniga suxufiyiinta, iyadoo haddana ay la kulmaan xarig iyo handadaad oo koox walba ay ku qasbeyso suxufiyiinta inay aragtidooda gudbiyaan.

“Aniga xitaa waxaa laygu xiray war nuucaas ah todobaadkii tegay, anigoo la iigu hanjabay in aanan aragti nuucaas aanan tebin karin.” Ayuu Muxudiin Xusni oo la hadlay NUSOJ.

Ururka Suxufiyinta Qaranka Soomaaliyeed ayaa cambaaeeyay tacadiyadaas foosha xun ee ku dhacaya suxufiyiinta, isla mar ahaantaana ku baaqay in suxufiyiinta laga joojiyo faafinta iyo faafreebka qasabka ah iyo handadaadaha lagu hayo suxufiyiinta gobolka.

“Suxufiyiinta waa in loo ogolaadaa inay si xor ah u tebin karaan wararkooda iyagoo ku naaloonaya xorriyaadkooda dastuuriga ah.” Ayuu yiri Maxamed Ibrahim – Bakistaan – Xoghayaha Guud ee Ururka Qaran ee Suxufiyiinta Soomaaliyeed.