Odayaasha Baydhabo oo ku kala qeybsamay hadalkii Madaxweynaha

0
1071

baydhabo3

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Shiikh Maxamuud, oo dhawaan wareysi bixiyay, ayaa waxa uu sheegay in Odayaasha Baydhabo ku shiraya ay samaystaan maamul ka kooban 3 Gobol, laguna tixgaliyo 3da Gobol ay doowlada kula heshiisay maamulka KMG ah ee Jubba.

Markii uu M/weynaha sheegay warkaas, waxaa isa soo tarayay khilaaf soo kala dhexgalay Odayaasha ku shiraya Baydhabo, qaar kamid ah ayaa taageeray hadalka M/weynaha, kuwana waxay wali ku adkeeysanayaan go’aankoodii ahaa ineey 6 Gobol maamul u sameeyaan.

Odayaasha ayaa shalay kulan gaar ah ku yeeshay magaalada Baydhabo, waxayna isla soo hadal qaadeen Hadalkii M/weynaha.

Malaaq Sanweyne Ibraahim Cali, oo kamid ah Odayaasha dhaqanka Baay iyo Bakool, kana mid ahaa odayaasha shalay shiray, ayaa waxa uu ka waramayaa waxa ay u arkaan Hadalkii m/weynaha.

Halkan ka dhegeyso Malaaq Ibrahim:

 

Midnimo