Qaadista Isbaarooyin yiilay inta u dhexesa gobollada Shabeelaha Hoose iyo Benaadir oo lagu guuleystay

0
1063

IsbaaroCiidamada qalabka sida ee Soomaaliya ayaa ku guuleestay qaadista jidgooyooyin lacaga baad ah lagu qaadayay oo gaaraya kontada isbaaro kuwaasoo yiilay wadooyinka isku xira Gobollada Banaadir iyo Shabeelaha Hoose.

Qaar ka mid ah shacabka ku nool gobolka Shabeelaha Hoose ayaa tallaabo horumar leh ku tilmaamay qaadista jidgooyooyinka sharci darrada ah ee lagudhibaateyn jiray wadayaasha gaadiidka iyo shacabka halkaasi isaga kala goosha, waxayna xuseen tallaabadaasi ay tahay mid ku haboon waqtigeeda.

Guddoomiyaha degmada Afgooye ee gobolka Shabelaha Hoose C/laahi Iidey oo la hadlay warbaahinta qaranka ayaa sheegay in ammaanka waddada isku xirta Muqdisho iyo Afgooye ay tahay mid aad u wanaagsan islamaarkaana wixii isbaaro ah oo halkaasi yiilay ay la dagaalameen.

“Meelaha isbaarooyinka laga qaaday waxaa ka mid ah Mukayga, Baar Ismaaciil, Bood boodka iyo waddooyinka aada Marka iyo Baydhabo halkaasi oo ay yaaleen ilaa iyo 50 isbaaro oo dadka iyo gaadiidka lagu dhibaateyn jiray” ayuu yiri Guddoomiyuhu.

Arrintan ayaa ka dambeysay markii Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud uu amar ku bixyay in la qaado gebi ahaanba jid gooyooyinka yaalla gobollada dalka ee lagu dhibaateeynayo shacabka, taasi oo keentay in ciidamada qalabka sida ay ku guuleystaan qaadista isbaarooyinkii dadka iyo gaadiidka lagu dhibaateyn jiray.

Radio Muqdisho