Ugu yaraan 4 qof ayaa geeriyootay 13 kalena waa ay ku dhaawacmeen kaddib labo qarax oo ka dhacay xaafadaha Waqooyi ee magaalada Gaalkacyo ee dhanka Puntland.
Wararka laga helayo goobta uu qaraxu ka dhacay ayaa tilmaamaya in qaraxu uu ahaa miino dhulka lagu aasay oo ku dul qaraxday goob ay dadku isugu yimaadaan, waxaana qaraxa labaad uu ka dhacay isla goobta, taasi oo sababtay dhimashada iyo dhaawaca.
13ka ku dhaawacmay falkaasi qaraxa ah ayaa waxaa loola cararay goobaha caafimaadka ee Waqooyiga magaalada Gaalkacyo, iyadoo dhaqaatiirtu ay ka dayrinayaan qaar ka mid ah dadkii ku dhaawacmay qaraxyadaasi is xig xigay ee dhacay dhanka deegaannada maamulka Puntland.
Ciidamada ammaanka ee Puntland oo goobta soo gaaray ayaa waxa ay halkaasi ka wadaan howlgallo ay dadka ku soo qab qabanayaan, iyagoo baadi goobaya dadkii ka dambeeyay miinadaasi dhulka lagu aasay ee ka qaraxday Waqooyiga magaalada.
Radio Muqdisho