Sida ay sheegayaan wararka ka imaanaya Magaalada Jowhar ee xarunta Gobalka Shabeelaha dhexe qarax khasaaro geystay ayaa wuxuu ka dhacay Magaalada Jowhar, iyadoo dhanka kale dad ay ku geeriyoodeen god caro ah oo kusoo dumay.
Qaraxa ayaa waxaa ku dhaawacmay labo ruux oo mid kamid ah uu ahaa askari ka tirsan ciidanka Dowladda Soomaaliya halka ruuxa kalena uu ahaa wiil yar oo ku sugnaa suuqa Jaadka ee xaafada Hanti wadaag Magaalada Jowhar.
Ujeedka qaraxa ayaa ahaa askar ka tirsan Dowladda oo ku sugnaa Suuqa Jaadka ee xaafada Hantiwadaag oo bam gacmeedka lagu tuuray, waloow hal askari uu ka dhaawacmay ciidankii bambada lagu tuuray.
Dhanka kale shalay waxaa Magaalada Jowhar ee xarunta Gobalka Shabeelaha dhexe ka dhacay, dad ka shaqeynaye god carakaawo ah ayaa kusoo dumay godkaasi.
Hal ruux oo kamid ahaa dadkii godka ka shaqeynaye ayaa geeriyooday, halka shaqaalihii kalena ay kasoo baxsadeen sida ay xaqiijiyeen dadka xaafada Horseed ee Magaalada Jowhar.
Warkii