Qaraxyo waa weyn oo loo adeegsaday baabuur waxyaabaha qarxa laga soo buuxiyay ayaa caawa ka dhacay afaafka hore ee Hotelka Jazeera ee magaalada Muqdisho, iyadoo qaraxyada ay u dhaxeeyeen nusa saac.
Wararka ayaa sheegaya in qaraxa hore ayaa lagu dhiftay gaari ciidan oo yaalay banaanka hore ee Hotelka Jazeera, waxaana qaraxaas oo ahaa mid ismiidaamin ah uu waxyeelo u geystay muraayadihii Hotelka ee albaabada iyo dariishadaha oo soo daatay.
Goob joogayaal ayaa sheegaya in qaraxa hore lagu beegsaday gaari ku sugnaa banaanka hore ee Hotel Jazeera, kaasoo uu lahaa Taliyihii hore ee Nabadsugida ee Gobolka Banaadir Khaliif Ereg, waxaana ku dhintay ilaa saddex askari.
Wararka ayaa intaa ku daraya inuu jiro qasaare aad u ballaaran oo isugu jira dhimasho iyo dhaawac fara badan, waxaana is rasaaseyn muddo socotay ka dhacday afaafka hore ee Hotelka Jazeera.
Qaraxa labaad ayaa sidoo kale ahaa mid xoogan oo ahaa gaari waxyaabaha qarxa laga soo buuxiyay oo la soo dhigay ilinka hore ee Hotelka, waxaana qaraxaas uu ahaa mid aad u gil gilay afaafka hore ee Hotelka Jazeera, iyadoo qasaaraha badankood uu yahay Ciidamo ka tirsan dowladda iyo Ilaalada Hotelka.
Gawaarida gurmadka dega dega iyo kuwa dab damiska ayaa ku sugan banaanka Hotelka, waxaana la daminayaa dab ka dhashay qaraxa oo saameeyay gawaari la dhigtay Hotelka banaankiisa
Ma cada ilaa iyo hada qasaaraha dhabta ah ee qaraxyadan caawa ruxay magaalada Muqdisho, waana markii labaad oo la beegsado Hotelka Jazeera oo ah Hotel ay degaan Mas’uuliyiin, siyaasiyiin iyo ajnabi ah.
Xaalada Muqdisho ayaa caawa kacsan, iyadoo qaraxyada lagu soo beegay, iyadoo sanad Cusub uu dhashay, waxaana sanadka 2014 Muqdisho ugu bilowdeen qaraxyo waa weyn.
Jowhar