Ra’iisul Wasaaraha oo codsaday in 10-cisho loogu kordhiyo waqtiga uu ku soo

0
972

AbdiweliSheekhAhmed20131212_1Ra’iisl Wasaaraha Soomaaliya C/wali Sheekh Axmed Maxamed ayaa warqad uu u qoray Baarlamaanka Soomaaliya kaga codsaday in 10-maalmood loogu kordhiyo waqtiga uu ku soo magacaabayo Golihiisa Wasiirada, kadib markii ay dhamaatay mudadii uu Baarlamaanka uu u qabtay.

Gudoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya Prof. Maxamed Sheekh Cusmaan (Jawaari) ayaa Xildhibaanada Baarlamaanka ka hor aqriyay warqada codsiga ee ka timid Ra’iisul Wasaaraha, isagoo ka dalbaday Xildhibaanada inay aqbalaan.

“Waxaa si xushmad u codsanayaa in la ii siiyo muddo kordhin ilaa 10- aalmood si aan u soo dhameystiro golaha wasiira, oo aan barnaamijka Xukuumada iyo Golaha Wasiirada u horkeeno Baarlamaanka, si ay kalsooni siiyaan”sidaas waxaa yiri Gudoomiyaha Baarlamaanka oo aqrinayay warqada ka timid Ra’iisul Wasaaraha.

Ra’iisul Wasaare C/wali Sheekh ayaa sheegay inuu soo dhisi doono Xukuumad tayo leh, isla markaana mudada uu ku soo magacaabayo uu wada tashiyo la sameynayo qeybaha kala duwan ee bulshada.

Warar soo baxaya ayaa sheegaya in dib u dhaca ku yimid Golaha Wasiirada ay ka dambeysay kala aragti duwanaan soo kala dhex gashay madaxda dowladda iyo qeyla dhaan ka imaaneysay beelaha oo ku saabsanaa shaxda Golaha wasiirada oo aheyd 25-wasiir, haseahaatee markii la isku mari waayay laga dhigay 20-Wasiir.

Ra’iisul Wasaaraha cusub ayaa waxaa durba wajahaya caqabado xoogan oo uga imaanaya Xildhibaanada beelaha oo ku aadan soo dhisitaanka Golihiisa Wasiirada, iyadoo uu aad uga daahay mudadii la filayay inuu ku soo magacaabo.

Gudoonka Baarlamaanka ayaa horay ugu qabtay Ra’iisul Wasaaraha markii la ansixiyay 21-kii bishii December ee sanadkii hore in Golaha Wasiirada uu soo dhiso ka hor 10-ka Janaayo, iyadoo mudadaas ay ku ekeyd maalinimadii shalay.

Jowhar