Ra’iisul Wasaaraha cusub ee Soomaaliya C/wali Sheekh Axmed Maxamed ayaa lagu wadaa in saacadaha soo socda inuu ku dhawaaqo Golihiisa Wasiirada cusub, isagoo soo gaba gabeeyay wada tashiyo uu la lahaa Xildhibaanada Baarlamaanka iyo qeybaha kala duwan ee Bulshada Soomaaliyeed.
Warar lagu kalsoonaan karo oo ay heshay Jowhar.com ayaa sheegaya inay u badan tahay Ra’iisul Wasaaruhu in gelinka dambe ee maanta ilaa maalinta berri uu ku magacaabi doono Golihiisa Wasiirada cusub oo noqonaya kuwo ka badnaan doono Wasiiradii hore.
Caqabadaha ugu badan ee Ra’iisul Wasaaruhu durba la kulmayay ee soo magacaabida Golaha Wasiirada ayaa ahaa Xildhibaanada Baarlamaanka oo qudhooda raba in Wasiiro loo magacaabo ama dad ay wataan, waxaana Ra’iisul Wasaaruhu mar walba isku dayay inuu qanciyo.
Beelaha qaar ee Wasiirada u ordaya inay helaan ayaa dhexdooda isku heystay, waxaana sidoo kale xubno Wasiiro horay u soo noqday ay dhankooda wadeen olole ay ku doonayaan in Wasiir loo magacaabo.
Laakiin hadal heynta suuqa ku jirta ee magacyada Wasiirada noqonaya ayaa ahaa kuwo aad isu soo taraya oo marba maalin ruux la hadal hayay, wax badan lagama oga ilaa iyo hada cida noqoneysa Wasiirada.
Hase ahaatee waxaa la leeyahay Wasiiradii hore ee Xukuumadii Saacid qaarkood dib ayay u soo laabanayaan, qaarna xilalkooda helayaan, qaarna xilal kale, waxaase jirta in Ra’iisul Wasaaruhu caqabad kala kulmi karo Baarlamaanka gudihiisa hadii uu soo celiyo Wasiiradii hore maadaama dad badan ay aaminsan yihiin in ay waxba qaban, isla markaana hadii Xukuumadii Saacid meesha ka baxday ay iyagana la mid yihiin oo aanay dib u soo laaban.
Gudoonka Baarlamaanka ayaa ka codsaday Ra’iisul Wasaaraha in Golihiisa Wasiirada uu horkeeno ka hor 10-ka bishan, waxaana laga yaabaa in todobaadkan gudihiisa la hor-geeyo Baarlamaanka marka lagu dhawaaqo maalin ama labo maalmood kadib sida qorshuhu yahay, hadii aanay waxba is bedelin.
Jowhar