Ra’iisul wasaare Cabdiweli oo goor dhaweyd Baarlamaanka ka codsaday inay siiyaan Xukuumadiisa Codka Kalsoonida

0
1042

xildhibaanadaBarlamaanka20131124_4Waxaa hada soo dhamaatay khudbada Ra’isal-Wasaaraha Dalka Cabdi-Weli Sheekh Axmed Maxamed uu ka hor jeedinayay Baarlamaanka federaalka Soomaaliya oo maanta ka doodayay barnaamijka xukumada.

C/weli Sheekh Axmed Maxamed aya sheegay in Xukuumadiisa ay wax badan kaga bedeli doonto xaalada dalka uu maraayo waxana uu tilmaamay uuna in Xukuumadiisa ay xil iska saari doonto la xisaabtanka Hay’adaha Dowlada si ay meesha kaga baxdo Masuq maasuqa inta badan lagu eedeeyo hay’adaha Dowlada.

C/weli ayaa balanqaaday inuu wax ka qaban doono arrimaha ammaanka, dhaqaalaha, Ciidanka, Siyaasadda, horumarinta ganacsiga iyo dib u eegis lagu sameenayo Dastuurka uu yeelanayi dalka.

Goor dhaw waxa bilaawan doonto dooda Xildhibaanada ee ku aadan Barnaamijka Xukuumada Cusub ee uu Ra’isal wasaaraha ka hor aqriyay daqiiqado ka hor.

Lama oga waxa Xukuumada C/weli Sheekh Axmed Maxamed ay kala kulmi karto Xildhibaanada Baarlamaanka, inkastoo Xildhibaanada Baarlamaanka lagu tilmaamo kushubo.

Somaliweyn