Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdi Weli Sheekh Axmed Max’ed oo ka hadlayay qorsho Howleedka Xukuumadiisa ayaa sheegay in ay si ka duwan dowladihii hore ula Macaamili doonaan wax uu ugu yeeray Nabadiidka oo uu ula Jeedo Ururka Al Shabaab.
Mudane Cabdi Weli Sheekh Axmed Max’ed ayaa tilmaamay in ay u diyaarinayaan Kooxaha ka soo goosta Al Shabaab Xarumo Lagu qaabilo, Xeer Cadaaladda ku dhisan oo la marsiiyo iyo Fursad shaqo oo loo abuuro.
Dhanka kale Ra’iisul Wasaaraha oo sii wata hadalkiisa ayaa Carabka ku adkeeay in Xukuumaddiisa ay sii dar dar gelineyso Wadahadallada hadda ay kula jirto Dowladda Maamulka Soomaaliland.
Xukuumadihii Ka horeeyay Ra’iisul Wasaare Cabdi Weli ayaa iyagu ku biirin Jiray Kooxaha Al Shabaab ka soo goosta Hay’adaha Amniga dowladda haba ugu badnaato Nabad Sugida kuwaasi oo la sheego in ay kaalin weyn ka geysan jireen qaraxyada iyo dilalka ka dhaca Muqdisho islamarkaana ay xogaha ka gudbin Jireen dhaq dhaqaaqyda dowladdu ay sameyso.
Shabelle