Raxmo Axmed oo la shaqeneysay Tukiga oo lagu Dilay Muqdisho

0
1029

TargetingAssasinationKooxo Bistoolado ku hubeesan ayaa caawa Gudaha Suuqa Weyn ee Bakaaraha waxa ay ku toogteen haweemey la sheegay in ay la shaqeeneysay Hay’adaha Turkiga ee Mashaariicda kawada Magaalada Muqdisho.

Haweeneyda la toogtay ayaa la sheegay xiliga la dilayay in ay hor fadhiday Gurigeeda oo ku yaala Gudaha Suuqa Bakaaraha, Goob joogayaal ayaana ku waramay in Kooxaha hubeesana markii dilka geesteen kadib in aygoobta ka baxsadeen.

Haweenayda la dilay ayaa waxaa lagu magacaabi jiray Raxmo Axmed, waxaana ay aheyd qof weyn oo caruur badan dhalay.

Ciidamo katirsan Dowlada ayaa dilka kadib goobta soo gaaray mana jiraan ilaa hada cid loo soo qabtay falkan caawa lagu dilay Haweeneydan la sheegay in ay la shaqeeneysay Hay’adaha Turkiga ee Muqdisho jooga.

Ma ahan gabadhii ugu horeesay oo la shaqeenaysay Hay’ada Turkiga ee Magaalada Muqdisho lagu dilo, waxaana marar kala duwan Xaafado katirsan Magaalada Muqdisho lagu dilay gabdho iyo rag iyana la sheegay in Hay’ada Turkiga la shaqeenayeen.

 

Warkii