Gudigga doorashada ee Maamulka Puntland aya ku dhawaaqay natiijada cod bixinta wareegga koowaad ee doorashada Madaxweynaha, iyadoo goor dhaw la bilaabi doono doorashada wareegga labaad ee xilka Madaxweynaha.
Gudigga doorashada ayaa sheegay in 11kii murrashax ee xilka u tartantay ay 7kamid ah heleen codad, halka 4ta kale aysna helin wax cod ah, waxaana kaalinta koowaad galay C/raxmaan Maxamed Maxuud Faroole oo helay 27 cod, C/weli Maxamed Cali Gaas oo helay 13 cod, halka Cali Xaaji uu isna helay 12 cod.
Gudiga doorashada ayaa sheegay in murrashaxiinta kale ay uu mahadcelinayaan maadaama ay tartan adag muujiyeen, loogana mahadcelinayo sida ay ugu dhiiradeen ka qeyb galka doorashada.
Gudiga ayaa sheegay in wareeggga labaad ay u soo baxeen ilaa iyo saddex murrashax oo kala ah Madaxweynihii hore ee maamulkaasi C/raxmaan Maxamed Maxamuud Faroole, C/weli Maxamed Cali Gaas iyo Cali Xaaji kuwaasi oo haatan ay u bilaabatay wareega labaad ee doorashada xilka Madaxweynaha.
Radio muqdisho