Safiirka Somaliya u fadhiya dalka Belgium iyo Midowga Yurub Dr. Cali Saciid Faqi oo loogu yeerey inuu si deg-deg ah wadanka ku galo kana mid noqdo Golaha wasiirada

0
974

AmbAliSaidFaqiIlo wareedyo oo lagu kalsoonyahay ayaa markacadeey u sheegey in Safiirka Somaliya u fadhiya dalka Belgium iyo EU Dr. Cali Saciid Faqi oo loogu yeerey inuu dalka si deg-deg ah ku soo galo lagana codsadey inuu ka mid noqdo Golaha wasiirada cusub oo la magacaabi doono.

Waxaana la sheegayaa in Dr. Cali Faqi la rabo in loo magacaabo ra’iisul wasaare ku xigeen, hase yeeshee aan ogeen wasaaradda loo magacaabi doono.

Dr. Cali ayaa la filayaa inuu maanta ka soo dego magaalada Nairobi asagoo ku sii jeeda Somaaliya. Golaha wasiirada oo ka kooban 25 xubnood ayaa la filayaa in maantal gelinka dambe lagu dhawaaqo.

Waxaa ra’iisul wasaaraha laga sugayaa inuu golahiisa wasiirada horgeeyo barlamaanka Soomaaliya inta ay xubnaha barlamaanka gelin fasaxooda oo ku aadan bisha Janaayo 10 keeda.