Safaaradda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee Caasimadda South Sudan ayaa maanta ka ambabixisay garoonka diyaaradaha Juba 136 muwaadin oo Soomaali ah, kuwaasoo dowladda Soomaaliya ay u kireysay diyaarad gaar ah, waxaana lagu wadaa inay gaaraan Muqdisho gelinka dambe ee maanta, halkaasoo la qorsheeyay in ay ku soo dhoweeyaan mas’uuliyiin ka kala tirsan Wasaaradaha Arrimaha dibadda, Arrimaha gudaha, Booliska iyo Maamulka gobolka Banaadir.
Safiirka Soomaaliya ee South Sudan, Ambassador Abdirahman Nur Mohamed “ Dinari” ayaa hadal uu ka jeediyay garoonka diyaaradaha Juba oo uu ka ambabixinayay dadkaasi Soomaaliyeed ee qaxootiga ah, ayaa waxa uu mahadcelin u jeediyay Madaxweynaha Jamhuuriyadda H.E. Hassan Sheikh Mohamud, gudoomiyaha baarlamaanka Federaalka H.E. Mohamed Sheikh Osman Jawari, Ra’iisul wasaaraha Xukuumadda Federaalka H.E. Abdiweli Sheikh Ahmed Mohamed iyo Ra’iisul wasaare kuxigeen ahna Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga H.E. Fawzia Yusuf H.Adam dadaalka iyo howsha waxgalka ah ee ay ka geysteen samatabixinta muwaadiniinta Soomaaliyeed ee ku go’doomay dagaalada ka dhacay wadanka South Sudan.
Danjire Abdirahman Dinari , ayaa xusay in ergada diblomaasiydda iyo Xubnaha Safaaradda si joogta ah uga shaqeynayaan daryeelka iyo badbaadinta nafta muwaadinka Soomaaliyeed iyo hantidiisa , isagoo cadeeyay inuu si joogto ah ula socdo xaaladda Jaaliyadda Soomaaliyeed ee South Sudan.
Waxaa xusid mudan in dowladda Federaalka ay dib ugu celisay magaalada Muqdisho 30-kii bishii hore ee December 2013 dad tiradoodu aheyd 131 muwaadin oo ka mid ahaa dadkii ku go’doomay goobaha colaada ee wadanka South Sudan.