Saraakiil ka tirsan ciidamada xooga dalka oo ku soo baxday fadeexad lunsasho mushaaraadkii ciidamada

0
1013

CiidamadaSomaaliya20130919_1Warar kala duwan ayaa dhowrkii bilood ee u dambeeyay ka soo baxayay fadeexad ku saabsan lunsasho mushaaraadki ciidamada xooga dalka, iyadoo saraakiil sar sare oo ka titsan ciidamada ay ku socoto baaritaano la xiriira inay lunsadeen lacag gaareysa saddex milyan oo doollar saddex bilood oo mushaaraadka ciidamada ahaa.

Sida ay sheegayaan warar ay heshay Jowhar.com fadeexadan ayaa soo baxday markii Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud uu 23-kii bishii December ee sanadkii hore uu booqday Xarunta Wasaarada Gaashaandhiga, halkaaasoo ay cabasho ay ugu gudbiyeen saraakiil iyo ciidamo ka tirsan dowladda.

Inkastoo baaritaanada ay wali socdaan, hadana waxaa ay farta ku godan tahay saraakiil sar sare oo loo heysto lunsashada mushaaraadka ciidamada ee saddexdii bilood ee u dambeysay sanadkii 2013.

Wararka qaar ayaa sheegaya in Saraakiisha qaar warqado laga geeyay garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho in aanay ka bixi karin, waxaana Madaxweynaha mar uu arrintan saraakiisha kala hadlayay uu ku hanjabay in tallaabo laga qaado doono.

Warar aan la xaqiijin ayaa sheegaya in Abaanduulaha Ciidamada xooga dalka C/risaaq Khaliif Cilmi uu bil ka hor Madaxweynaha u gudbiyay istiqaaladiisa, inkastoo aan laga aqbalin, hase ahaatee Abaanduulaha ayaa dalka dibada uga maqan.

Ciidamada xooga dalka ee Milateriga Soomaaliya ayaa qaata mushaaraad uga yimaada Beesha Caalamka iyo mida dowladda, iyadoo dhowr jeer Wasaarada gaashaandhiga ay ku cel celisay in si joogto ah ay ciidamada u qaataan mushaaraadkooda.

Jowhar