Shir looga hadlayo dhaqaalaha Soomaaliya oo Dubai ka furmaya horaanta bisha April

0
2820


Dubai20140124_1Dowladda Isutaga Imaaraadka Carabta ayaa qorsheyneysa inay martigeliso wajiga labaad ee shir looga hadlayo arrimaha dhaqaalaha Soomaaliya, kaasi oo ay ka qeyb geli doonaan wafuud heer caalamig ah.

Kulanka ayaa ah mid diiradda lagu saari doono maalgeshiga Soomaaliya, kaasi oo ah wejiga labaad ee shir looga hadlayo horumarinta dhaqaalaha, iyadoo lagu casuumay inay ka qeyb galaan 250 wafuud heer caalami ah, Mas’uuliyiin ka socota Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya iyo ganacsato kale.

Shirka oo dhici doona inta u dhaxeysa 6-7 April ee sanadkaan ayaa ah mid looga hadlayo sida lagu maalgeshan karo dalka, iyadoo looga gol’leeyahay sidii dib loo soo celin lahaa ilaha dhaqaale ee dalka.

Wejiga koowaad ee shirkan ayaa waxaa bishii July ee sanadkii tegay lagu qabtay magaalada Nairobi ee xarunta dalka Kenya halkaasi oo ay ka qeyb galeen wafuud kala duwan.

Radio Muqdisho