Shirka maamul u sameynta saddexda gobol oo Baydhabo ka furmay

0
907

baydhabo3Shirweyne maamul loogu sameyn doono gobollada Baay, Bakool iyo Shabeellaha hoose ayaa maanta si rasmi ah uga furmay magaalada Baydhabo.

Guddoomiye ku-xigeenka gobolka Baay Shiino Macalin Nuurow ayaa sheegay inuu si rasmi ah u furan yahay shirka, wuxuuna ka codsaday dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya iyo dowladaha caalamka inay tageeraan ku taageeraan qorshaha.

Odayaasha dhaqanka iyo qeybaha bulshada ayaa soo dhoweeyay furitaanka shirweynaha maamul u sameynta seddexda gobol ee Baay, Bakool iyo Shabeelaha hoose.

Xildhibaanno ka tirsan baarlamaanka Federaalka ah ee Soomaaliya, aqoonyahanno, odayaal-dhaqameed iyo siyaasiyiin ayaa ku kala aragti duwanaa shirka Baydhabo, waxayna qaar ka mid ah ku rajo weynaayeen in shirweynaha lagu soo dhiso maamul goboleed ka kooban lix gobol oo ay Jubbooyinka iyo Gedo ku jiraan, halka xubno kale ay qabeen in maamulka lagu soo koobo Baay, Bakool iyo Shabeelaha hoose.