Taliska ciidanka XDS oo dugsi tababar ka furay deegaanka CeelJaalle G/Shabeeladda Hoose

0
989

CiidamadaSomaaliya20130919_2Wafdi Balaaran oo isugu jira Aqoonyahanno, Waxgarad ,Xildhibaanno iyo Saraakiil Sarsare oo ka tirsan Ciidamada XDS iyo Kuwa Midawga Afrika ee AMISOM ayaa kormeer ku marey qaar ka mid ah degaanno ka tirsan gobolka Shabeeladda Hoose.

Kormeerka wafdigaasi ayaa la xiirey u kuurgelida xaaladda Amniga ee degaannadaasi oo malmihii la soo dhaafey ka dhaceen falal amni darro ah.

Degaannada uu wafdigu kormeeray ayaa waxaa ka mid ah Ceel-Wareegoow, Muuri, Nambar, 50 ,Nambar 60, Shalanbood iyo degaanno kale oo ka tirsan Gobalka Shabeeladda Hoose .

Wafdigasi ayaa ugu danbeyn waxa uu tagey degaanka Ceel-Jaalle ,halkaasi oo ay ka fureen Duigsi lagu tababayo ama lagu dhaqan celiyo dhalin yaradda ka soo goosatey Kooxaha malleeshiyadda Alshabaab.

Dhalinyaradaasi Dugsiga lagu tababarayo ayaa waxay ka mid noqon doobnaan ciidamada Qalabka sida,23-sanno ka dib waa markii u horeysay dugsi tababar noocan ah laga furo gobolka shabelada hoose.

Dugsiga tababarka Ceel-Jaale ayaa waxaa xariga ka jarey Abaanduulaha Ciidanka XDS Gen.Cabdirisaaq Qaliif oo ugu horeynba ka hadlay xaflada furitaanka dugsiga tababarka Ceel Jaalle ayaa ka hadlay dhibaatada kooxaha argagixisada ay ku hayaan dhalinyarada Soomaliyeed isagoo xusay iney dhalinyarada ka horkeenan waalidiintooda iyo walaalahooda, isagoo ugu baaqay iney ka faa’ideysataan cafiska dowladdu u fidisay, waxaana la siin doonaa tixgalin gaar ah, iyadoo Abaandulahu dhanka kale xusay in dugsigan lagu tababari doono dhalinyarada ka mid noqoneysa ciidamada XDS .

Abaanduulayaha aya ugu danbeyn ugu baaqey dhalinyarada Soomaaliyeed in ay ka faa’ideystaan

Fursadan ah cafiska ay dawladoodu u fidisay.

Radio Muqdisho