Gudoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Maxamuud Axmed Nuur (Tarsan), ayaa ka hor yimid in lagu soo daro Golaha Wasiirada.
Gudoomiyaha oo la xiriiray Telefishinka Universal, ayaa waxa uu sheegay inaan lagala tashan magacaabidda xubinimadiisa ee Golaha Wasiirada, isla-markaana wuxuu sheegay inaanu aqbali doonin.
Ra’iisul Wasaare C/weli Sheekh Axmed Maxamed oo ku dhawaaqay Golahiisa Wasiirada, ayaa wuxuu Tarsan u magacaabay Wasiir Ku Xigeenka Dhalinyarada iyo Isboortiga.
Tarsan, ayaa sheegay in Jimcaha maanta uu qaban doono shir jaraa’id, isla-markaana uu ku qaadici doono Jagada uu u magacaabay Ra’iisul Wasaare C/weli.
Duqa Magaalada Muqdisho, ayaa wuxuu noqonayaa xubintii ugu horeysay oo kamid ah Golaha Wasiirada cusub, oo si xoogan uga horyimaada kamid ahaanshaha Wasiirada.
Somaliweyn