Gudoomiyaha Gobolka Banaadir ahna duqa Muqdisho Maxamuud Axmed Tarsan ayaa ugu hanjabay shirkadaha isgaarsiinta ee dalka cidii u hogaansanta amarkii Al-Shabaab ee ku saabsanaa mamnuucista Adeega Internet-ka aysan dalka oo dhan ka howl galeyn.
Tarsan ayaa sheegay in shirkadihii aqbala amarka Shabaab ay u aqoonsanayaan inay ka soo horjeedaan jirtaanka dowladnimada iyo horumarka dalka
“Hadaba i dhgaeysta saddexda shirkadood ee isgaarsiinta, hadii aad aqbashaan digniintaas, waxaad ka soo horjeediin jiritaanka Umada Soomaaliyeed, dowladnimada ayaad ka soo horjeediin, midnimada Umada ayaa ka soo horjeediin”ayuu yiri Gudoomiye Tarsan.
Duqa Muqdisho ayaa sidoo kale sheegay in shirkadii aqbasha go’aankaas aysan dalka ka sii shaqeyn doonin, waxaana uu ugu baaqay inay qaataan dowladda amarkeea oo ah inaad xoojisiin adeega Internet-ka ee Fiber Optic.
“Shirkadii joojisa adeega internet-ka dalka kama sii shaqeyn doonto, aniga ayaa ku dhaqaaqi doono inaan fiilooyinkooda jar jaro”ayuu yiri Tarsan oo shalay ka hadlayay Munaasabad ka dhacday Xarunta degmada Hodan.
Shirkadaha adeega Internet-ka bixiya ee xarumaha ku leh magaalada Muqdisho, ayaa wali waxaa ay ka fikirayaan dhinaca go’aankeeda ay qaadan doonaan walina ma jiro wax war ah oo ay soo saareen, waxaana xaalkooda u muuqdaa laba daran mid dooro.
Jowhar